“Xaqiiqda baa ah lacagta qasnada DF ku jirta ayaa ku filan arrinta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa ka hor imaaday qorshaha ay dowlada Somalia ku dooneyso in dhaqaalaha doorashada dalka ay ka qaado dowladaha daneeya arrimaha Somalia.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, waxa uu sheegay in sharafka dowladnimo uu yahay mid ku jira in dowlada Somalia ay dhaqaalahaasi ka bixiso jeebkeeda, waxa uuna ka digay in dowladu ay dhaliisho qaabka ay ku imaankarto sumcada Somalia.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, oo u waramaayay Idaacada goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan heysan dhaqaale xumi, waxa uuna cadeeyay in dhaqaalaha kasoo xarooda dalka uu yahay mid ku filan dalka, waa haddii la doonaayo in dalka loo horseedo horumarka.

Waxa uu sheegay in dalka uu gali doono marxalad khatar ah haddii aysan dowlada Somalia wax ka bedelin qaabka ay u hogaamineyso doorashada dalka, waxa uuna ka digay in dhaqaale xumi jirta aawgeed ay u dib dhigto doorashada.

“Anigu maqabo in doorashada dalka lagu qabto dhaqaale dalal shisheeye laga soo qaaday, waayo waxa uu sharafka dalka ku jiraa inaan isticmaalno dhaqaalaha kasoo xarooda dalkeena”

“Ma sahlana in dowladnimada ay kusoo laabato si sahlan waxaa loo baahan yahay in dalka isaga un lagu celsho dhaqaalihiisa, haddii ay sheekadu noqoto tan gudaha waan qaadaneynaa tan dibada ka imaadana waan qaadaneynaa dhab ahaantii xal uma aha Somalia”.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ay awood buuxda u leedahay inay bixiso dhammaan dhaqaalaha ku baxaaya doorashada, hayeeshee waxa uu farta ku goday inuu jiro dibindaabyo Qaranka loo maleegaayo.

Xildhibaanka ayaa ka digay in dib u dhac ku imaada doorashada dalka sabab iyo marmarsiyo looga dhigo dhaqaalo la’aan waxa uuna cod dheer ku sheegay in Qasnada dowlada uu dhaqaale fiican ku jiro.

Dhanka kale, waxa uu Madaxtooyada Somalia ugu baaqay in dalka aysan u hogaamin dhanka burburka iyo Barakaca, taasi oo imaan karta in dib u dhac lagu sameeyo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com