Xasan Sheekh oo is hor-taagay qorshihii beesha caalamka (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu is hortaag ku sameeyay goobjoogayaal caalami ah oo la doonaayay inay soo gaaran magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaashaani oo ka kala socda ilaa seddex dal, ayaa waxaa loogu tallo galay inay si gaar ah ula socdaan doorashada dalka, gaar ahaan tan heerka madaxtinimo.

Goobjoogayaashaani oo ka koobnaa lix xubnood ayaa lagu soo wargaliyay madaxweyne Xassan iyaga oo jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa uuna amar ku baxshay inaanu dalka imaankarin ilaa laga gaaro wakhtiga ay dhaceyso doorashada.

Madaxweynaha waxa uu xubnahaasi ku wargaliyay inaan la joogin xiligooda, balse ay u furan tahay inay imaadan Somalia, maalmo un ka hor xiliga la qoondeeyay doorashada.

Xubnahaani oo ka socday dalalka Yurubta ayaa waxaa loo soo xilsaaray in si gaar ah ay ula socdaan doorashada Madaxweyninimo ee dalka.

Xubnahaani ayaa qeyb ka ah xubnaha ay Beesha Caalamka usoo xilsaarteen la socodka arrimaha doorashada Somalia, waxa uuna is hortaagooda imaanayaa iyadoo Madaxweyne Xassan Sheekh lagu xamanaayo inuu kasoo horjeedo doorasho ka dhacda Somalia.

Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka wakiilada Beesha Caalamka oo ku aadan is hortaaga uu ku kacay Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com