Xog: Sirta safarrada tirada badan ee XASAN SHEEKH ($300,000)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimadda Online ayaa heshey xog la yaab leh oo ku saabsan qarashaadka ku baxa safarada madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo aysan xitaa diiwaan galin wasaaradda maaliyadda.

Madaxweynaha ayaa ugu yaraan 300,000$ u isticmaala safar kasta oo uu kaga baxo Muqdisho, ee uu ku tago wadamada gobolka iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo codsaday inaan magaciisa la isticmaalin ayaa u xaqiijiyay Caasimadda Online in xitaa aan la soo marsiin wasaaradda lacagtaas loo isticmaalo, iyada oo loo maro wado aan sharci ahayn.

Sarkaalka ayaa cadeeyey in haddii uu xitaa uu aadayo magaalada Baydhaba iyo haddii uu aadayo magaalada Nairobi qasnadda dowladda looga saaro sadex boqol oo kun oo doolar, taasi oo loo arko inay tahay dhaqaala uruursi sharci darro ah.

“Waa nasiib darro in wasiirka maaliyadda iyo qasnajiga dowladda aysan lacagahaasi diiwan galin oo sidii la doono loogu tagri falo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Halka madaxweynuhu lacagtaas faraha badan safar uu ku qaato weli dowladdu ma bixin mushaarka ciidanka dowladda ilaa sanad iyo bar, halka shaqaalaha rayidka ahna muddo lix bil ah aysan qaadan mushaarkii loogu tala galay.

Waa taas sababta Xasan safarada badan ugu baxo, si uu mar kasta lacagataas ugu qaato magaca dowladda, loona qaldo beesha caalamka. Safarrada qaar ayaan xittaa aysan ku bixin 50,000, taasi oo Xasan u sahleysa in wixii soo hara ee magaca dowladda ku baxo uu qaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com