FARMAAJO oo ka hor yimid Go’aanka XASAN iyo JAWAARI

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay warqad dhawaan soo shaac baxday oo ku aadaneyn in madaxda madasha wadatashiga isla garteen in oday dhaqameed cusub lagu daraa liiska 135-ta Oday.

Farmaajo, ayaa eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo afhayeenka baarlamaanka taasi oo ku aadan iney doonayaan in oday dhaqameed cusub ay sameeynayaan si uu uga mid noqdo xubnaha 135 oday dhaqameed ee baarlamaanka keenaya, maadaama beesha Reer Aw Xasan xilkaasi isku qabsadeen.

Wuxuu sheegay iney faragelin wadaan madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya iyaga oo doonaya iney dhaqameedyada ku qasbaan in xubin kale lagu daro iyada oo lagu qancinayo beel gaar ah, taasi oo uu sheegay iney baalmarsan tahay hishiiskii la galay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa sheegay in horay la iskugu raacay 135 Oday in ay soo Xulaan Baarlamaanka soo socda,balse ay 136 ka dhigeen Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Taasna ay dhaawici karto Kalsoonidda Ummadda Soomaaliyeed iyo Musharaxiinta doonaya in ay u Tartamaan Xilka Madaxweyne si loo helo sibadal dhan walba ah.

Maxamed C/llahi  Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya aysan Xiligaan kala guurka ah u baahneyn in lagu kaco Musuq Maasuq iyo wax is dabamarin islamarkaan Qof weliba uu Mas’uul ka saaran yahay inuu Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ilaaliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com