Xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo sii xoogeysatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xogeystay xiisada dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland kadib markii ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay tageen deegaan ku yaala duleedka degmada Taleex.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney ka warhayaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Somaliland ay ka wadaan duleedka degmada Taleex.

Gudoomiye Faraweyne ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay daandaansi ka wadaan xuduuda u dhaxeyso Sool iyo Nugaal, balse marnaba aysan faraha kala laaban doonin xiisada halkaasi ka taagan, sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Maamulka Somaliland ayuu sheegay in marar badan ay kala hadleen dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka socdo Sool, wuxuuse ku hanjabay iney difaacan doonaan deegaanada dhanka xuduuda ku yaala.

Somaliland ayaa sanaadiiqda codeynta iyo ciidamo badanba geysay deegaan qiyaas ahaan 78 km u jira magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, waxaana la doonayaa iney sanadkaan dadka halkaasi ku dhaqan doorashada Somaliland ka qeyb galaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com