Sh. Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka digay arrin diinta ka dhan ah oo Muqdisho ka billaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhay dhaqamo cusub iyo dhigashada xaflad lagu sheegay sanad guurada Dhalashada, waxaana arimahaasi digniin kasoo saaray culumada Soomaaliyeed.

Sheikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ee kusugan magaalada Muqdisho ayaa digniin kasoo saaray in magaalada Muqdisho lagu qabtaa xafladaha dhalinyarada muddooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho ku dhiganayeen.

Sheikha ayaa sheegay in arintaasi ay qatarteeda leedahay loona baahan yahay in ummada Islaamka ah ay ka fogaataa dhigashada maalinta lagu beego dhalashada qofka.

“Xafladaha dadka dhiganaayo ee laga soo qaybgalaayo waa Munkar, Diinta Islaamka raad kuma lahan qofka marka uu dhasho , maalinta 7-aad ayaa waxaa sunno ah in Waqlal loo sameeyo, Xafladaha Dhalashada ee la dhigto waxaa laga keenay meelaha gaalada ay joogaan.” Ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney ka fogaadaan wax walbaa oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka, wuxuuna sheegay in dhaqamada qaar laga keenay wamada gaalada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com