Qarax khasaara kala duwan geystay oo ka dhacay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi Qarax aad u xoogan lagula eegtay kolonyo Gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhacay Degaanka Bali-qadar oo duleedka ka ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in Qaraxa uu ka dhashay khasaaro lixaad leh oo soo gaaray ciidamada maamulka.

Mid kamid ah Saraakiisha ka badbaaday Qaraxa ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan maamulka, sidoo kalane uu dhaawac kasoo gaaray Askar kale oo la socday gaadiidka.

Kolonyada gaadiidka ah ee la qarxiyay ayaa ka ambabaxay Magaalada Boosaaso, waxaana ay ku sii jeedeen Buuraleyda Galgala.

Kolonyada Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa Lix gaari kuwaasi oo ay ka buuxeen ciidamo ka tirsan Milliteriga.

Maamulka Puntland kama hadlin Qaraxa iyo Khasaaraha ka dhashay, waxaana la xaqiijiyay in Qaraxa uu yahay mid khasaaro ba’an uu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com