Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shirweyne loogu magac daray “Shiweynaha kashifaadda musuq maasuqa, boobka iyo dhaca”, oo ay qabteen isbaheysiga xisbiyada Soomaaliyeed.
Shirkaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay musuq-maasuqa dalka ka jira, waxaana eedeyn xooggan loogu jeediyey dowladda Soomaaliya.
Haddii waxyaabaha lagu soo bandhigay shirka, ee ku qoran warqadaha hoose ay sax yihiin, Soomaaliya waa ku daysay.