26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Dowlada Soomaaliya oo war kasoo saartay Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay markii ugu horeysay arinta la xiriirta madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir.

Wasiirka arimaha dibada dowlada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta BBC ayaa si cad u sheegay in shirka maanta ee IGAD uusan ka qeyb galaynin  madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir.

Wuxuu sheegay wasiirka in madaxweynaha Sudan uu ka cudur daartay  inuu ka qeyb galaa shirka madaxda urur goboleedka IGAD oo markii ugu horeysay Muqdisho lagu qabanayo sanado badan kadib.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in safiirka Sudan ee Soomaaliya uu matali doono madaxweynaha Sudan uuna ka qeyb gali doono shirka.

Madaxweynaha Uganda, Kenya, Ethiopia, iyo wasiirada arimaha dibada Jabuuti iyo Sudan ayaa ka qeyb galaya shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News