Xasan Sheekh oo iska fogeeyay qodob adag oo lagu eedeeyay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ay munaasib u tahay in maamul lamid ah kuwa kale loo sameeyo Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in dadka qaar ay aaminsan yihiin in dano gaar ah laga leeyahay dhismaha maamulka cusub balse waxa uu meesha ka saaray in shaqsi ahaantiisa uu dano gaar ah ka leeyahay maamulka la dhisaayo.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay inaanu jirin wax uga xiran Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe balse shaqsi ahaantiisa uu yahay mid ka dhimanaaya dadka labadaasi Gobol ku nool oo aan laheyn maamul isku xira.

”Dadku aragtiyo kala duwan ayay soo bandhigaan aniguse waxaan cadeynayaa in dhismaha maamulka cusub aanu ka laheyn dano gaar ii ah, markii laga reebo Umadda ku hoos nool labada Gobol oo loo dhisaa maamul wanaagsan oo ay ku hoos noolaadan”

Xassan waxa uu mugdiga ka saaray in shaqsi ahaantiisa ay dan ugu jirto maamulka mideyn doona labada Gobol waxa uuna shacabka ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda iyaga oo aan u asxaan faleynin cid gaar ah.

Haddalka Xassan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin ka hor uu furay shirka Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com