Maxay Tahay howsha xubnaha Aqalka Sare sideyna u shaqeynayaan (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa faahfaahin ka bixiyay shaqooyinka iyo howlaha la doonayo iney qabtaan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo dhawaan la filayo in lasoo xulaa.

Xildhibaanka oo si weyn u dhaliilsan siyaasada madaxweynaha Soomaaliya ayaa eedeymo kadib wuxuu sheegay in xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka oo marar badan la isku khilaafay iney shaqooyin adag qaban doonaan.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in xubnaha aqalka sare ay ka shaqeyn doonaan ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya iyo qaabka loo qeybsanayo dhaqaalaha ka yimaada dalka Soomaaliya.

“Aqalka sare awoodo badan ayuu yeelan doonaa wax uu noqonayaa ilaaliyaha xuquuqda maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, awood qeybsiga, qeybsiga kheyraadka, waxay ka doodi doonaan canshuuraha sidii loo qeybsan lahaa iyo dakhliga waddanka soo gala, iyo sidii loogu gudbin lahaa awoodda maamulka hay’adaha ay khuseyso arrintaas, markaa shaqooyin badan ayaa hoosyimaadda”.ayuu yiri.

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa wuxuu arin lagu dag dagay oo uusan ku qanacsaneyn ku tilmaamay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

“Meesha kaliya ee aan dhibaato u arko waa Hiiraan iyo Shabeelaha dhex oo aan u arko in lagu degdegay siiba madaxtooyada,  xal ayaa mar hore laga gaari lahaa haddii ummadda meesha degan ra’yigooda la dhageysan lahaa siiba odayaal dhaqameedyada uu ugu horreeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif”

Laakiin markii lala galay loolan siyaasadeed  dhaqanka arrintii waa dhabaqday oo hadda waan u jeednaa oo carqaladdaa soo dheeraatay sidaas ayaa keentay, hadana wali waa la isku haystaa oo madaxtooyada iyo IGAD waxay rabaan iney juujuub wax ku sameeyaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com