26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

DEG DEG: Qarax khasaaro geystay oo gordhow ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Nawaaxiga Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho kaasi oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu dilay Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Yoo.

Sargaalkaani ayaa la sheegayaa in Qaraxa loogu xiray kursiga gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan Isbaashiyada, waxaana xiliga Qaraxa gaarigaasi uu kusoo jeeday dhanka Isgooyska Jubba.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi xiray ciidamada NISA oo ka agdhawaa goobta Qaraxa, waxaana iminka halkaasi ka socda baaritaan.

Ma jirto cid ka hadashay Qaraxa, waxa uuna kusoo beegmayaa xiliga laba maalin ka hor Muqdisho ay ka dhaceen Qarax iyo dilal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News