Sheeko yaab leh oo ka bilaabatay Galmudug iyo awood sheegasho lagu bilaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aya kusoo waramayaan ilo ka tirsan Wasiiro ku-xigeenada maamulka Galmudug, waxaa saacadihii ugu danbeeyay isbedel ku imaaday qaabka ay Galmudug u xuleysay xubnaha u matali doona Baarlamanaka cusub ee Somalia.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin isaga ku dhow dhow ay isla garteen in liiska Xildhibaanada la diyaarinaayo laga saaro ilaa Lix xubnood oo la sheegay inay kasoo horjeedan Maslaxada maamulka ee dhanka Baarlamaanka cusub.

Xubnahaani laga mamnuucay kamid noqoshada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka kasoo gali doona dhanka Galmudug, ayaa waxaa bedelkooda la aqbalay xubno cusub kuwaasi oo u nugul C/kariin Guuleed, waxa uuna ilo wareedka xaqiijiyay in Xubnahaasi ay ku faaneen in meel waliba ay ku gaari doonaan jeebkooda isla markaana aysan u nuguleyn wax waliba oo ku xeeran rabitaanka Galmudug.

Odayaasha u ololeynaayay xubnahaasi ayaa waxaa iyaguna la sheegay inay ku qasbanaaden inay qaatan tallada Guuleed, iyagoo lagu cadaadiyay inay la imaadan kuwo cusub ama ay iyaga keeni doonaan xubno beeshaasi u matalikara Baarlamaanka cusub.

Odayaasha qaar ayaa la sheegay inay kasoo horjeesten go’aanka liiska la diyaarinaayo looga saaray xubnahaasi, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in arrinku uu noqday mid cirka isku shareeray.

Culeysyo lamid ah kuwaani ayaa waxaa iyana laga soo sheegayaa qaar kamid ah Gobolada ay xulista ka socto.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xusein Guuleed ayaa doonaaya in Xubnaha maamulkiisa u matali doona Baarlamaanka cusub ay noqdaan kuwo isaga ka tallo qaata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com