Xog: Madaxda M/Goboleedyada oo jooga Addis iyo Ethiopia oo go’aan ka gaartay doorashada

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana la filayaa in qaar kale ay ku biiraan dhowaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo jooga Addis-Ababa, ayaa waxaa la filayaa inay ku biiraan Cabdi Weli Gaas iyo Cabdi Kariim Guuleed.

Xubnahan ayaa halkaas u jooga shir ay ugu yeertay dowladda Ethiopia oo looga hadlayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la filayo inay dhowaan dhacdo.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, Ethiopia oo dhowr bil ka fakareysay cidda ay taageri lahayd ayaa go’aan ku gaartay inay taageero madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la filayaa in madaxda maamul goboleedyada ay ku cadaadiso taageerada Xasan Sheekh iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen inay soo xulaan xildhibaano codkooda siin doona Xasan.

Waxaa la rumeysan yahay in inta badan ay diyaar u yihiin inay aqbalaan amarka Ethiopia, marka laga reebo Axmed Madoobe oo ku andacoonaya in Xasan uu ballamo badan uga baxay.

Lama yaqaan illaa iyo hadda sababta ay Ethiopia ku taageereyso Xasan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com