Cumar Dhegey oo arrin yaab leh keenay iyo Ugaaska Xawaadle oo Muqdish siriq loogu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray dhanka Guddiga doorashootinka dadban ee Somalia, ayaa sheegaya in Guddiga uu dajiyay qorsho ah in Xildhibaanada uu yeelan doono maamulka cusub ee loo dhisaayo Hiiraan iyo Shabellaha dhexe lagu soo xuli doono magaalada Muqdisho.

Go’aanka xulista ayaa waxaa xalay la sheegay ina isla gaaren Guddiga doorashooyinka iyo Odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Cumar Dhegey oo ah Guddoomiyaha Guddiga dadban ee doorashooyinka oo la hadlayay warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in leysku afgartay in Xildhibaanada lagu soo xulo magaalada Muqdisho.

Cumar Dhegey, waxa uu sheegay in Guddiga iyo Odayaasha dhaqanka ay isku afgarteen in si degdeg ah lagu bilaabo howlaha la xiriira xulista, waxa uuna sheegay in heshiiskaasi uu dhaqan galaayo isla maanta.

Cumar Dhegey, ayaa sidoo kale ka dalbaday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif inuu qaato talada ay isku raaceen Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, isla markaana uu imaado magaalada Muqdisho.

Cumar Dhegey, waxa uu sheegay in ujeedka xulista loogu soo wareejiyay magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay in Ugaas Xassan uu qaato xalka isla markaana ogolaado inuu kusoo biiri dhismaha maamulka.

Sidoo kale lama oga sida Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay ku aqbali doonaan in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolkaasi lagu soo xulo Magaalada Muqdisho.

Docda kale, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan sheegay inaysan marnaba aqbaleyn arinta ku aadan in Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe Muqdisho lagu soo xulo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com