XOG: Sheekh Shariif oo xil u magacaabay Yuusuf Indha Cadde (AQRISO)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xili u magacaabay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda KMG Jeneraal Yuusuf Max’ed Siyaad ”Indha-cadde”.

Sheekh Shariif oo muddo farabadan ay isla soo shaqeeyen Indha Cadde ayaa waxa uu iminka u magacaabay madaxa ilaaladiisa.

Magacaabida Indha Cadde ayaa timid kadib markii ay faraha ka bateen ciidamada sida gaarka u ilaaliya Madaxweynihii hore ee Somalia oo iminka la loolamaaya kan hadda uu ka dhamaaday wakhtiga.

Indha Cadde ayaa kaalin buuxda ka qaadanaaya sida uu mar kale kusoo laaban lahaa Sheekh Shariif, waxa uuna qorshaha xil magacaabidu yahay in Musharaxa Shariif kasbado Beesha Habar-gidir si Xildhibaanadooda uu uga helo codadka.

Geesta kale, Ololaha Sheekh Shariif ayaa si aad looga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana waddooyinka qaar lagu hardhay Sawirro lagu xayeysiinaayo kuwaasi oo lagu miijinaayo taageerida Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com