Xog: Xasan Sheekh oo xildhibaan Ducaale ka dhigaya madaxweynaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu wado dadaal Xildhibaan Ducaale oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya looga dhigayo madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Xildhibaan Ducaale, waxa uu kasoo jeeda beesha Harti Abgaal, wuxuuna kasii yahay Obokar Gaabane.

Waxa uu sidoo kale qabaa gabar la dhalatay Xildhibaan C/qaadir Cosoble, oo isna ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, kana soo jeeda beesha Harti-Abgaal.

Cosobla ayaa waxa uu mucaarad xoogan ku yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay isku qabteen lacag uu ku lee yahay dowladda Soomaaliya.

Cosoble ayaa dhisay howlgalka shirka Jowhar, wuxuuna dowladda kusoo soo dalacday lacag dhan 3 million oo dollar, taasi oo aan weli la siin.

Ujeedka Xasan Sheekh uu madaxweyne ugu dhigayo Ducaale, ayaa waxaa ugu muhiimsan inuu ku jabiyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Ducaale, ayaa saddexdii maalin ee ugu dambeeysay wuxuu ku noq noqonayay madaxtooyada isagoo ugu dambeyn shalay galab ay go’aan wada gaareen Xasan Sheekh.

Reer Hiiraan waxaa la go’aamiyay inay qaataan caasimadda maamulka, halka Abgaal la siiyey madaxweynaha maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com