Boorsaani oo si fool-xun ula dhaqmay Farmaajo kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani), ayaa sheegaya in Boorsaani uu si cad u mamnuucay in Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu soo dhaweeyo Garoonka Aadan Cadde.

Boorsaani ayaa maamulka iyo laamaha Amaanka Garoonka u kala diray warqado lagu mamnuucaayo inaanu Garoonka galikarin cid ka socta dhanka Farmaajo oo doonaaya inuu ka qeybqaato soo dhaweyntiisa.

Boorsaani waxa uu sidoo kale wargaliyay Saraakiisha maamusha ciidamada ka howlgala afafka hore ee Garoonka Aadan Cadde waxa uuna sheegay inaanu jirin cid soo dhaweynkarta.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay inay Taageerayaasha Musharax Farmaajo sababo dhinaca Ammaanka loogu diiday inay dhigaan Dibadbax ay ku soo dhaweynayaan Musharaxaasi.

Farmaajo waxa uu sidoo kale ka mid yahay Musharixiinta ugu cadcad ee u taagan Doorashadda Madaxweynenimadda Somalia ee la qaban doono dabayaaqadda bisha Novemver ee sannadkan.

Farmaajo ayaa lagu wadaa in Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho uu kasoo dego maanta oo Axad ah, waxaana mar waliba suuragal ah in Taageerayaasha Farmaajo ay awood ku galaan Garoonka misna ay xoog kusoo dhaweeyan.

Geesta kale, Farmaajo ayaa marka loo eego dhanka Taageerayaasha magaalada Muqdisho ku leh taageerayaal aad u xoogan kuwaasi oo sabab u ah in laga mamnuuco soo dhaweyntiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com