Xog: Xarunta NISA oo loo beddelay xarunta ololaha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada in dhaweydba ka socday olole musharaxiinta aay ugu diyaar garoobayaan doorashada la filaayo in aay dhacdo 30 bisha November ee sanadkan.

Haddaba waxa aay dhammaan shacabka Muqdisho aad ula yaaban yihiin iyada oo la xiray wadada hor marta taliska ciidanka nabadsugidda oo aan weligeed la xirin.

Waxaa ilo wareedyo aad loogu kalsoon yahay aay Caasimada Online u sheegeen in taliska dhexdiisa laga sameeyay guryo marti oo aay degi karaan in ka badan 100 qof.

Ila wareedyada ayaa sheegay in guryahaas loogu talo galay in aay degaan xildhibaanada taagersan musharax Xasan Sheekh Maxamuud si halkaas loogu sugo amnigooda laguna hayo xarunta NISA inta aay ka dhammaaneyso doorashada.

Waxaa noqday wax aad loola yaabo in loo isticmaalo hay’adiihii dowliga ahaa dano shaqsi, arrintana waa mid ka soo horjeedo qaanuunka dowliga ah, waayo hay’adaha dowliga ah iyo hantida qaranka waxaa aay ka dhexeeysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Beesha caalamka gaar ahaan kuwa taageera NISA ayaa walaac ka muujiyay arrintan, lamana ogo in aay ka goosan doonaan NISA dhaqaalaha aay siiyaan iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com