Xog: Xasan iyo Jawaari oo ku guuleystay shirqool ay u dhigeen Shariif Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dharbaaxo culus kala kulmay Madaxweyne Xassan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Madaxweyne Xassan iyo Jawaari ayaa afka dhulka u galshay qorsho uu watay Shariif Xassan taa oo aheyd in Xubnaha Aqalka Sare K/Galbeed ay ku imaadan rabitaankiisa, hayeeshee waxaa qorshahaasi kala daadiyay Xassan iyo Jawaari.

Xassan Sheekh iyo Jawaari ayaa Aqalka Sare ka ilaaliyay inay kusoo baxaan xubnaha taageersan Shariif Xassan iyadoo fashilinta qorshahaasi loo adeegsaday xubno ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed kuwaasi oo faraqa loogu shubay dhaqaale aad u xoogan.

Xubnaha ugu badan ee kusoo baxay Aqalka Sare ee maamulka K/Galbeed ayaa ka tirsan Ururka Damul-Jadiid, waxaana soo bixitaankooda kaalin miisaan leh ka qaatay Xassan Sheekh oo isaga ka cabsi qaba Musharax Shariif Xassan.

Xubnihii uu watay Shariif Xassan ayaa sidoo kale la sheegay inay kusoo baxeen laba xubnood keliya, halka tirada kale ay ku hareen codadka.

Dajinta qorshahaani lagu maja-xaabiyay ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo xili halkaasi uu gaaray Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminaayay.

Docda kale, maja xaabintaani ayaa waxa ay sababtay in Madaxweyne Shariif Xassan uu dib u gurasho sameeyay, kadib markii uu hakiyay munaasabad uu xilka K/Galbeed uga degi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com