Sawir: Axmed oo ku xumeeyey musharax C/naasir Maxamed

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa kulan aan wakhti badan qaadan uu dhexmaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Musharaxa u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Somalia Abdinasir Mohamed.

Kulanka labada mas’uul ayaa salka ku hayay taageero uu Abdinasir Mohamed ka dalbanaayay Madaxweynaha Jubbaland, taa oo la xiriirta in xubnaha maamulka uu ku yeelan doono Baarlamaanka Somalia codadka ugu deeqan musharaxa itaalka liita.

Abdinasir Mohamed, ayaa Axmed Madoobe dhagtiisa ku dhibciyay inuu ka dalbanaayo in Jubbaland ay taageero hagar la’aaneed u muujiso isagoo dhankiisa ka ballanqaaday inuu u abaal gudi doono Jubbaland, waa haddii uu guuleysto.

Axmed Madoobe oo dhiifoon ayaa Abdinasir Mohamed u sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan amar ku laheyn Xildhibaanada Jubbaland u matali doonta Baarlamaanka Somalia, waxa uuna u sheegay in Xildhibaanadaasi ay xor u yihiin cida ay codadkooda siinayaan.
dr-abdinasir-mohamed
Axmed Madoobe waxa uu qaadacay in Xildhibaanada uu horfadhiisto isla markaana ku amro inay codadkooda siiyaan Abdinasir Mohamed, waxa uuna iska fogeeyay in howshaasi ay tahay mid isaga u huban.

Axmed Madoobe waxa uu Abdinasir Mohamed u cadeeyay inaanu jirin shaqsiyaad uu isaga wato kuwaasi oo loo cadaadinaayo Xildhibaanada, waxa uuna taa bedelkeeda ku wargaliyay inuu la mid noqdo musharaxiinta kale oo codadka uu weydiisto Xildhibaanada hubaalka ah inay kamid noqon doonaan Baarlamaanka cusub.

Abdinasir Mohamed, ayaa waji gabax kala kulmay Axmed Madoobe waxa ayna taasi hoos u dhac u keentay rajadii uu ka lahaa ololaha u harsan.

Dhinaca kale, Shirkadaha sameeya boorarka xayeysiinta ah ayaa qaati ka taagan Musharaxa Abdinasir Mohamed oo ay ku eedeeyen in boorar aad u farabadan uu uga sameystay deen, balse ilaa iyo iminka uusan bixin kharashkii lagu lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com