Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay iibinta Kuraasta Musharaxiinta Aqalka Hoose si xubinimadaasi loogu buuxiyo xubno uu isaga wato.
Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in Ergooyinka uu u lacageynaayo Kuraastaasi, waxa uuna booska ku buuxinayaa shaqsiyaad codadkoodka siinkara.
Ergada qaar ayaa la sheegayaa inuu siiyay dhaqaale culus si aysan u keenin xubnaha ay la doonayaan booska waxa uuna ujeedka Xassan Sheekh yahay inuu la imaado shaqsiyaad unugul rabitaankiisa.
Shaqsiyaadka uu la doonaayo Xildhibaanimada ayaa u badan kuwo ka shaqeeya Villa Somalia oo uu isku hubo kuwaasi oo ka tirsan Damul-Jadiid.
Sababta ugu weyn ee Xassan Sheekh uu dhaqaalaha uga bixinaayo Musharaxiinta Aqalka Hoose qaarkood ayaa ah inuu kaga gudbo doorashada si uu mar kale xilka u qabto.
Sidoo kale, waxaa jira Ergooyin uu u sameeyay ballanqaad kuwaasi oo ballantooda loo fulin doono marka uu Xassan soo laabto.
Tani waxa ay qeyb ka tahay Qorshaha Madaxweyne Xassan uu ku doonaayo inuu mar kale ku qabsado talada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]