Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada gaashaaman ee dalka Ciraaq ayaa si buuxda ula wareegen gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo muhiim u ahaa maleeshiyaadka Daacish.
Ciidamada Ciraaq waxaa yaab iyo fajac ku noqotay markii ay isaga dhex baxeen godod dhaadheer oo ay adeegsan jireen maleeshiyaadka Daacish.
Goobaha laga qabsaday maleeshiyada ayaa waxaa ku yaalla godod aad u dhaadheer kaasi oo ay isticmaali jireen Kooxda kuwaasi oo isku xiri jiray magaalada Mosool iyo deegaano dhowr ah.
Gododkaasi oo laga qoday dhulka hoostiisa ayaa waxa ay maleeshiyada ku diyaarin jireen Qaraxyada waxaana iminka Gododkaasi maamulaaya Ciidamada Ciraaq.
Gododkaasi ayaa waxaa laga soo dhexsaaray dhar iyo agab kale oo ay ka cararareen Daacish.

