Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa dhaliil kala du ldhacay shaqsiyaadka kasoo horjeeda Siyaasadiisa ku aadan sii heesashada xilka Qaran.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in shaqsiyaadka kasoo horjeeda Siyaasadiisa ay yihiin kuwo aan raali ka aheyn in dalka uu hagaago misnala hormariyo.
”Dadka saaxiibka u ah dhaliisha Dowlada waxaan sheegayaa inay yihiin kuwo aan u nugleen horumarka iyo hanaqaadka dalka iyo dadka”
”Waxaa jira kuwo badan oo ku taamaaya in Somalia ay ku taagnaato halka ay hadda taagan tahay sheegitaan uma baahna kuwaasi ee waxaan shacabka uga digayaa inay taageero u muujiyaan kuwaasi”
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dhibaatooyin farabadan ay Dowlada ku hayaan shaqsiyaadkaasi waxa uuna cadeeyay in kuwaasi ay yihiin kuwo Somalia u horseeday hoos u dhaca dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.
Dowlada Somalia ayuu sheegay in shaqsiyaadkaasi ay caqabad ku yihiin balse ay cadeynayaan inay yihiin kuwo aan raali ka aheyn in Somalia ay horay usii socto.
Xassan wuxuu ka digay wax waliba oo dhabaateynaya sumcada Dowladda Federaalka Somalia, maadaama uu shaaca ka qaaday in ay jiraan shaqsiyaad had iyo jeer doonaya faafinta ceebaha Dowladda.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in mar un ay cadaalada horkeeni doonaan shaqsiyaadka caadeystay ka been abuurida Dowladda, sida uu hadalka u dhigay.
Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya iyadoo inta badan dhinacyada mucaaradka iyo Warbaahinta qaar ay isha ku hayaan Musuq maasuqa ka jira Madaxtooyada iyo Xarumaha Dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

