27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Galmudugiyo Puntland oo qaaday tallabo aan laga fileyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa qaaday talaabo ay soo dhabeeyen shacabka kasoo kala jeeda labada maamul.

Dadaalo ay sameeyen Waxgaradka iyo Ganacsatada labada maamul ayaa waxaa suuragalisay in labada maamul ay kala bedeshaan Maxaabiis ay ku kala qabsadeen Dagaalka.

Maxaabiista ay kala wareejisteen labada maamul ayaa waxa la sheegay inay ku jireen Ganacsato labada dhinac kala taabacsan, kuwaasi oo maalmo farabadan kadib nasiib u yeeshay inay la midooban eheladooda.

Dadka la kala wareejistay ayaa waxaa ku jira dad shacab ah kuwaasi oo aan waxba galabsan balse ujeedka loo qafaashay uu ahaa inay magac ku dhex lahaayen dadka deegaanka.

Waxgaradka iyo Odayaasha labada dhinac ayaa soo dhaweeyay dadaalka labada maamul waxa ayna sheegen in maslaxadu ay tahay mid ku jirta in sabar leysku muujiyo.

Labada maamul wali kama aysan wada hadal kala bedelashada Maxaabiista.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News