Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Qandala ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in deegaankaasi ay qalqal amni ku hayaan Maleeshiyaadka Daacishta Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay xiliyada habeenkii gudaha usoo galaan magaalada Qandala iyo deegaano yaryar oo hoostaga.
Khadar Da’uud Macalin oo kamid ah dadka ku nool magaalada Qandala, ayaa sheegay in inta badan magaalada xiliyada habeenkii ay ka taliyaan Daacishta Somalia.
Khadar waxa uu sheegay in Ciidamada maamulka ay banaanka sare ka joogan magaalada Qandala, waxa uuna tilmaamay in magaalada ay tahay mid cabsi leh.
Magaalada ayuu sheegay inaanu joogin ciidamada maamulka waxa uuna cadeeyay in duleedka magaalada uu ka socdo abaabul dagaal.
Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in magaalada ay ku joogaan ilaa 10 qoys halka inta kale ay ku barakaceen cabsida.
Xaalada magaalada Qandala ayaa ah mid daran waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi ay isku bedesho xarun dagaal.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

