Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ka dalbatay in Dowlada Turkiga uu ka wareejiyo Mashaariicda ay kawadaan Somalia.
Dalabkaani ayaa la sheegayaa inuu ka imaaday dhanka Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia oo fulinaaya amar kaga imaaday Madaxtooyada Dalka Imaaraadka Carabta.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan la siiyay muddo 13 cisho gudaheeda in uu uga fiirsado fursada hortaal, waxaana xusid mudan in wadahadalka Xassan iyo Danjiraha Imaaraadka uu barbar socday ballanqaadka dhaqaale ka badan kan ay bixiso Dowlada Turkiga.
Madaxweyne Xassan waxaa laga dalbaday inuu xiro dhammaan xarumaha ay dowlada Turkiga ka fuliso Mashaariicda ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si mashaariicdaasi ay ula wareegto Imaaraadka.
Dowlada Imaaraadka ayaa Madaxweyne Xassan ku indha sarcaadineysa dhaqaale xoogan oo hormaris ah, halka bil walibana ay ka bixin doonaan dhaqaale xad dhaaf ah oo laba jibaar ka badan tan bilaha ah oo ay bixiso Dowlada Turkiga.
Waxyaabaha laga dalbaday Madaxweyne Xassan inuu kala wareejiyo doorashada ka hor ayaa waxaa kamid ah Dekadda, Dhismooyinka, Garoonka iyo Mashaariicda goobaha waxbarasho ee Muqdisho.
Dowlada Imaaraadka waxa ay ballanqaadeysaa laba jibaarka howlaha ay u joogan Somalia, waa haddii ay dhacdo in la hirgaliyo qorshahooda.
Madaxweyne Xassan oo dano gaara kaleh Dowlada Imaaraadka ayaa waxa uu latashiyo arrintaani kala sameynayaa Mas’uuliyiin ku garab ah oo uu ugu horeeyo Faarax C/qaadir iyo Mahad Salaad.
Mudada loo qabtay Xassan Sheekh ayaa waxaa ka harsan maalmo ka yar 9, waxaana lagu wadaa in hamiga Imaaraadka uu meel u dhici doono iyadoo Xassan Sheekh laga filaayo diidmo ama ogolaansho.
Docda kale, Dowlada Turkiga ayaa dhankeeda kawada dadaalo ay kusii adkeyneyso Mashaariicdeeda Somalia.
Dad badan ayaa dalabyada Imaaraadka u arka kuwa lagu maaweelinayo xasan, balse xaqiiqda ay tahay inay taageerada kala laabteen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

