28.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Boorsaani oo furka tuurtay kuna adkeystay in Mowqifkooda uu yahay mid wali taagan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa wuxuu ka hadlay Maqaamka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay aad uga xumaan doonaan haddii ay dhacdo in Gobolka Banadir laga il duufiyo maqaamkii loo ballanqaaday, waxa uuna sheegay inay ku raalin noqon karaan keliya dib-u-soo celinta Maqaamka Muqdisho.

Sheekh Yuusuf waxa uu farta ku goday in Nasiib darro ay noqon doonto haddii laga baxo ballantii loo sameeyay Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in aan wax la aqbali karin ay tahay in la waayo xuquuda Gobolka Banaadir, taasina aysan marnaba suuragal noqon doonin, sida uu hadalka u dhigay.

”Ma dhici doonto in la qadiyo Gobolka Banaadir iyadoo xuquuq la siiyay maamulada kale, waxaan halkaani ku sugeyno waa helida fariin farxad galisa keliya dadka Gobolka Banaadir”

”Waxaan ku adkeysaneynaa in wali Mowqifkeena uu yahay mid taagan oo aan ka laabasho laheyn ilaa laga cadeeyo xuquuqdeena”

Sheekh Yuusuf Boorsaani waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin in dadaalkasta ay ku bixiyaan sidii Gobolka Banaadir uu ku heli lahaa xuquuqdiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay arrintan in ay tahay mid cadaalad daro ah, taas oo laga galayo Bulshada Saddexda Milyan ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Haddalka Boorsaani ayaa imaanaya xili Madaxtooyada Somalia ay ka gaabineyso soo dhicinta xuquuqda Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News