26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

“Waxaa loola dhaqmaa sida dad aan jirin mana loo ogola in…” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dowlada Somalia ka gaabineyso Kumanaanka Maxaabiis ee ku xiran dalka dibadiisa ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha ayaa qiray inay ka gaabiyeen xal u raadinta Maxaabiista Soomaalida ee ku xir Xabsiyada ku yaalla wadamada kale, waxa uuna sheegay in maxaabiis ka badan Kun qof oo Soomaali ah ay ku xiranyihiin xabsiyo ku yaala 22 dal oo ku yaala caalamka.

Waxa uu intaa ku daray inay jiraan wadamo kale oo aan iminka u xisaabsaneyn, waxa uuna cadeeyay in maxaabiistaasi aysan heysan cid u doodda isla markaana lagu rido xukun dheer oo aan cadaalada waafaqsaneyn.

”Waxa aan ka hadleyno waa cadaalad darro heysata, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida sharci darada ah ugu xiran xabsiyada, waxaan madaxda ugu sareysa ee DFS ka codsaneynaa inay fududeeyan qaabka muwaadiniintaasi loo soo samata bixin lahaa”

Waxa uu yiri ”Dadkaasi intooda badan burcadbadeednimo ayaa lagu xukumaa Xuquuq maleh, Looyar looma qabto, isma difaacaan, marqaati looma keeno 15 sano 20 sano ayaa lagu xukumaa”

Si kastaba ha ahaatee, Xeer ilaaliyaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in lama huraan ay tahay in xal wax ku’ool ah loo helo Maxaabiista ku dhex dhimaneysa Xabsiyada Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News