Xog: CC iyo Shariif Xasan oo ku hungoobay Imaaraadka iyo Cabsi la soo deristay Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow-dhow shirkii ka socday magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu Tagga Imaaraadka carabta ayaa sheegaya in ugu danbeyntii ay dowladda Imaaraadka ay tanaasushay qorshe ay rabtay inay ku taageero R/W CC.

Imaaraadka ayaa u sheegtay CCC in aanay taageeri karin, taasoo ay ku macneeyeen cabsi aay ka qabaan in aay lumiyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo xiriirkii soo jireenka ahaa ka dhexeeyay labada dal.

Maxamed Cusman oo ahaa dalaalkii waday shirka ayaa u sheegay Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Xasan in taageeradooda ay abuuri doonto qalqal siyaasadeed iyo in weliba dowladda Imaaraadka aay lumiso danaha siyaasadeed ee aay ka leedahay Soomaaliya.

Shariif Xasan waa ninkii CC ka dhigay ra,iisul wasaare, iminkana isku dayaya inuu madaxweyne ka dhigo.

Ujeedka ay u taageerayeen CCC ayaa markii hore ahaa seddexdan.

  1. In uu joojiyo dacwada Badda Soomaaliya ee kala dhexeysa dalka Kenya
  2. In uu gebi ahaanba cilaaqaadka u jaro wadamada Turkey iyo Qatar
  3. In uu uu ka ansixiyo baarlamaanka cusub heshiiska dekedda Berbera

R/W CC iyo Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in ay maanta ama berri u socdaalaan magaalada Addis Ababa, halkaasi oo looga yeeray. Dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka ayaa kasoo horjeeday guud ahaan shirka ka dhacay Abu Dhabi.

Dowladda Mareykanka oo dano gaar ah ka leh saliida ku jirta Soomaaliya, ayaa u aragta Kenya iyo Imaaraadka in ay ka soo horjeedaan danaheeda. Waxaa sidoo kale fekerkaas qaba wadanka Ingiriiska inkastoo aay isku qalaafsan yihiin Ingiriiska iyo Mareykanka arrimaha shidaalka ku jira Soomaaliya

Waxaa shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in aanay marnaba aqbali doonin kuwa ka danbeeyay iibka badda Soomaaliya oo uu ugu horeeeyo R/W CC, Cabdiraxman Cabdishakuur, Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif.

Dhanka kale dowladdaha Turkey iyo Qatar ayaa bilaabay in ay xiriiro toos ah la sameyaan musharaxiinta kursiga madaxweynaha JFS, iyagoo ka duulaya in Imaaraadka uu kaalin xoog leh ku lahaado masiirka siyaasadda Soomaaliya.

Labadan waddan ayaa xiriir hoose ka dhexeeya tan iyo markii aay safaaradaha kala qaateen Imaaraadka iyo Qatar sanadkii 2014 markaasoo dowladda Qatar aay ku eedeeysay Imaaraadka in aay ka danbeeyeen diyaarin afgambi aay rabeen in uu ka dhaco dalka Qatar, Qatar ayaa sidoo kale eedeysay wadamada Baxreeyn iyo Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
caasimada@live.com