Jowhar (Caasimada Online)-Madaxweynaha mamulka HirShabeele ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada xubnaha aqalka sare maamulkaasi u matalata baarlamaanka Soomaaliya.
Cali Cabdulaahi Cosoble, oo warbaahinta kula hadlay magalada Jowhar ayaa sheegay in xubnaha maamulkooda u matalaya baarlamaanka in la dooran doono 6 bishaan.
Dhaqdhaqaaq ku aadan doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, waxaana ugu xiiso badan shaqsiyaadka qaar ee ku tartamaya aqalka sare.
Maalinta Axada ee soo socota ayaa qorshaha uu yahay in doorashada ay ka dhacdo magaalada Jowhar, waxaana socdo dadaalo iyo galaangal badan oo ay sameynayaan xubnaha tartamaya.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu soo doortay madaxweynaha maamulka HirShabeele iyo ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

