Jowhar (Caasimada Online)-Iyadoo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ay ka socto xulista xubnaha Maamulka Hirshabelle u matali doona Aqalka Sare ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.
Cosoble, ayaa sheegay in Maamulka uu meel wacan marinaayo xulista xubnaha Aqalka Sare, waxa uuna sheegay in doorashada xubnahaasi ay dhici doonto maalinta Axadda ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay November 6, 2016.
Cosoble, waxa uu sheegay in beelaha intooda badan ay soo xuleen Xubnaha u matali doona Aqalka Sare, waxa uuna intaa raaciyay in xulista ay noqoneyso kama danbeys Axada.
Waxa uu sidoo kale, Cosoble sheegay in ahmiyadooda koowad ay tahay in meesha laga saaro wixii muran iyo khilaaf keenikara, waxa uuna carab dhabay in waxaasi ay ka gaashaanteen.
Sidoo kale, Cusmaan Barre Maxamed oo ah Guddoomiyaha Baarlamanka Hir-Shabeelle, ayaa isna sheegay inay u diyaarsan yihiin doorashada xubnaha Aqalka Sare, waxa uuna carab dhabay inay ka feejigan yihiin waxa loogu yeero musuqa.
Maalinta Axada ayaa lagu wadaa in Xubnaha uu loolanka u dhexeeyo ay horfadhiisan doonaan Xildhibaanada si loo kala xusho.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

