25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Xasan Sheekh oo isugu yeeray saaxiibadiisa iyo xaalada oo kacsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan xubno Siyaasiyiin ah oo ka howlgala Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu kulamo degdeg ah la qaatay Siyaasiyiinta bah wadaaga la ah, kadib markii uu hoos u dhac ku imaaday qorshihiisa dib usoo laabasho.

Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu Siyaasiyiintaasi faray inay xiriiro kala duwan la sameeyan dhammaan xubnaha u sharaxan Xildhibaanada iyo inay soo xiragaliyaan Ganacsatada ugu waaweyn ee aanu xiriirka kala dhexeynin.

Waxa uu sidoo kale, saxiibadiisa uga xog waramay halka ay wax marayaan iyo hagardaamada Dowlada Imaaraadka ay bilowday, wuxuuna ku dhiiri galiyay in wakhti hore la kala furfuro Siyaasada Imaaraadka iyo Hogaamiyayaasha ka dhexeysa, si buu yiri meesha looga saaro hagardaamada Imaaraadka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale, saaxiibadiisa u cadeeyay in furitaanka albaab waliba ay u adeegsan doonaan dhaqaale si loo laalo hanqaltaaga Imaaraadka iyo Xubnaha ay la doonayaan Madaxweyninimada.

Sidoo kale, waxaa jiray qodobo gaara ay isla fahmeen kuwaasi oo saldhig u ahaan doono duulaankooda iyo kala warqaadashadooda, inkastoo aysan noo suuragalin inaan helno qodobadaasi.

Xassan waxa uu ku celcelshay in dib usoo laabashadiisa ay ku jirto Siyaasada Saaxiibadiisa ay adeegsanayaan, waxa uuna sidaa darteed ku amray inay ka shaqeeyaan kala dhantaalida Xildhibaanada ka imaan doona Gobolada ee qeybta ka noqon doona Aqalka Hoose.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan qudhiisa ayaa dareensan inay jiraan culeesyo lama gudbaan ah, waxa uuna xiligaani maciin bidayaa Saaxiibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News