27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Muxuu Xasan Sheekh kaga jawaabay iscasilaadii laga dalbaday?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galayay barnaamij ka baxayay Somali Cable TV ayaa ka jawaabay dalab kasoo yeeray mid kamid ah dadkii barnaamijka ka qeyb galayay.

Dooda oo aheyd mid su’aalo badan lagu weydiiyay Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa waxaa kamid ahaa waxyaabaha laga dalbaday inuu iska casilo xilka uu hayo iyo inuu ka tanaasulo musharaxnimada uu ku dhawaaqay.

Su’aashaasi oo aheyd mid ka timid Ugaas Maxamed Welli oo barnaamijka ka qeyb galayay ayaa ka dalbaday Xasan Sheikh inuu ka laabto musharaxnimadiisa, maadaama sida uu sheegay waxba uusan ka qaban arimaha gudaha balse dadaal dheeri ah ku bixiyay arimaha dibada.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo su’aasha ka jawaabayay ayaa sheegay in waxyaabaha uu qabtay afartii sano ee lasoo dhaafay iney yihiin kuwo muuqdo.

Wuxuuna sheegay iney jiri karaan dhaliilo dadka ay qabaan, balse mar walbaa muhiim ay tahay in horey loosii wadaa horumarka wadanka Soomaaliya.

Haddii laga guuleysto doorashada sanadkaan ayuu sheegay inuu si wanaagsan  u wareejin doono xilka madaxweynenimada.

Su’aasha Ugaas Maxamed Welli ayaa badashay doodii xalay lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News