Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa wada ololo xoogan oo ay ku dooneyso in mar kale Somalia uu Madaxweyne Xassan Sheekh dib u hanto kursiga ugu sareeya dalka.
Dowlada Ethiopia ayaa ololaha ay ugu jirto Xassan Sheekha ka dhaadhicineysa dowladaha lugta kula jira Siyaasadda Somalia, si ay ugu biiraan ololaha lagu doonaayo in mar kale lagu soo saaro Xassan Sheekh.
Dowlada ay Ethiopia u kaashaneyso ololaha Xassan Sheekh ayaa waxaa kamid ah Turkiga, Qadar, Sacuudiga iyo Ugandha, oo dhamaantooda xiriir fog uu kala dhexeeyo Somalia iyo Ethiopia.
Ololaha ay Ethiopia u wado Xassan Sheekh ayaa ka fog dhaqaalaha, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay inay codka siiyaan Xassan si aan hakat ugu imaan danahooda Siyaasadeed ee Somalia.
Dowlada Ethiopia ayaa waxaa u cad hirgalinta Heshiisyo ay horay u kala saxiixdeen Madaxweyne Xassan taa oo u baahan in horay loo sii dhaqaajiyo si loo dhaqan galiyo dib usoo laabashada Xassan kadib.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqdey Madaxweynihii u horeeyey ee booqda meel kamid ah dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya isaga oo ku tegay booqasho rasmi ah Jig-jiga, waxa ayna booqashadaasi salka ku heysaa Heshiisyo ay Ethiopia magaalada Jigjiga kula saxiixatay Xassan Sheekh.
Maslaxada koowaad ee Ethiopia ayaa ah mid salka ku hayso dhulka Soomaali Galbeed ee hadda loogu yeero Kililka shanaad, oo ay aaminsan tahay in haddii Dowlad Soomaaliyeed oo xoogleh soo noqoto ay dib u soo celin karto murankii dhanka xuduuda, waxa ayna taa uga kaashaamaneysaa dib usoo celinta Xassan Sheekh.
Doorashada sanadkan 2016 ayaa si weyn uga duwan tii 2012, waxaana si aan qarsooneyn u muuqata farogelin dalal shisheeye ay ku hayaan Somalia, kuwaasi oo ay kamid yihiin dowladihii hurdi jiray oo iminka Kheyraad kasoo raadiyay Somalia.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Dowlada Ethiopia ay loolan adag kula jirto Dowlada Isutaga Imaaraadka oo hamineysa in Musharaxa ay Ethiopia wadato saaxada ka saarto kaa oo la rumeysan yahay inuu yahay Xassan Sheekh.
Ethiopia waxaa ka go’an in Xassan Sheekh ay kusoo celiso kursiga uu hadda fadhiyo, waxa ayna caqabada ugu badan tahay Imaaraadka oo dhaqaalihii ugu badnaa ku qufeysa Hogaamiyayaasha Gobolada Somalia, si meesha looga saaro Xassan iyo Xubnaha sida dhow ula shaqeeya.
Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh qudhiisa ayaa u arka dib u dhackasta oo doorashada ku yimaada tan iyo bishii Agoosto in ay sii yareyneyso fursadda uu haysto in uu mar kale noqdo Madaxweyne, waxaana hadda garabkiisa ka baxay Dowladu uu isku haleynaayey markii hore, taas oo kaliftey in uu isu dhiibo Itoobiya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho