Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka socda Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose waxaana ku loolamaaya Musharaxiin dhowr ah.
Hoolka uu doorashada ka socda ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin kala duwan kuwaasi oo goobjoog ka ah doorashada Aqalka Hoose.
Musharaxiinta oo isku riixeysa codadka ayaa waxaa hadana muuqaneysa in Musharaxiinta qaar looga itaal roonaanayo Doorashada.
Weriyaha Caasimada Online ee ku sugan madasha doorashada ayaa waxaa u suuragashay inuu helo qaar kamid ah Xildhibaanada ilaa iyo Hadda la doortay waxaana kamid ah:
1-Cumar Ismaaciil Waaberi
2-Cabdinaasir Siciid Muuse
3-Cilmi Cumar Cilmi
4-Cali Yuusuf Cali Xoosh (Cali Gaab)
5-Muuse Axmed Ismaaciil
6-Maxamed Xayir Ibraahim
7-Axmed Ismaaciil Maxamuud
Musharaxiinta qaar ayaa u muuqaneysa inay ku hari doonaan doorashada, halka Musharaxiin dhowr ahna ay kusoo bixi doonaan doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]