Muqdisho (Caasimada Online) – Masuq-maasuqa baahsan ee ka dhex jira dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana soo baxaaya xiligaan oo lagu guda jiro xili kala guur ah, Agaasime ka lacag badan wasiiro ka tirsan xukuumadda waqtigeeda dhamaatay.
Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka oo lagu magacaabo Cali Gacal Gaabow ayaa ka lacag badan wasiirka wasaaradda uu ka tirsan yahay iyo wasiiro kale, isagoo ka macaashay wasaaradda uu agaasimaha ka yahay.
Sababta uu macaashka faraha badan ku helay ayaa ah, isagoo lacago dheeri ah oo tii wasaaradda u goysay leesanka gaadiidka lagu wado ka qaata dadka doonaya inay helaan leesanka.
Agaasime Cali Cali ayaa sameystay shirkad ka madax bannaan wasaaradda gaadiidka, taasoo bixisa Leesanka, waxayna qofkiiba ka qaataa $150, Lacagtaas waxay wasaaradda gaadiidka ay ku leedahay 62 Dollar, inta soo hartay oo ah $88-na waxay jeebka ugu dhacdaa Agaasime Cali Gacal, walow warar aan la hubin ay sheegeen in wasiirka wasaaradda gaadiidka share ku leeyahay lacagtaasi.
Shirkadda bixisa Leesamada ayaa waxaa maamule ka ah nin uu geystay Cali Gacal oo ilma adeer ay yihiin, kaasoo lagu magacaabo Cali Dudaaye.
Xarunta laga bixiyo Leesamada ayaa waxay ku taal agagaarka Isgoyska Km4, halka xiligii beri samaadka goobta laga bixiyo ay ku dhex tiil wasaaradda gaadiidka.
Illihii dhaqaalaha dowladda kasoo geli lahaa ayaa waxaa lagu wareejiyay shirkaddo iyo shaqsiyaad gacan saar la leh madaxda dowladda, kuwaasi oo la gelin la xisaabtan iyo xisaabi xil ma leh, qof walbana hantidii qaranka siduu doono ka yeela.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

