28.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog: UAE oo is hortaagaysa musharaxiinta beel ka mid ah beelaah Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa u xaqiijiyay Caasimadda Online in dowladda Imaaraadka carabta ay lacago fara badan ku bixinayso sidii xilka madaxweynaha Soomaaliya looga hor istaagi lahaa cid ka socota beelaha Hawiye.

Arrintan ayaa ah mid Imaaraadka ay uga dan leeyihiin sidii loo hor istaagi lahaa qorshaha siyaasiyiinta beeshaasi oo inta badan ka horyimaada damaca iyo danaha UAE ee dalka Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Gaashaanle sare Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa dowladdiisa u xilsaartay sidii qarashkaas loo maareyn lahaa, isaga oo taageera ka heli doona R/wasaare Sharmarke oo laftiisa u taagan qabashada xilka doorashada 2016 ee dalka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa ka xun dhowr mashruuc oo ay Soomaaliya ka fulin lahayd oo ay ishortaageen madaxda dowladda oo taageera dhaqaale ka hela dowladda Turkiga, waxaana ay haatan ku howlan yihiin sidii ay qorshaha ay ka leeyihiin Soomaaliya uga fushan lahaayeen R/wasaaraha iyaga oo safaaraddooda ay lacago fara badan galisay gudaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News