26.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Puntland oo toogasho ku dishay Maxaabiistii Galmudug ee dagaalka lagu qabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay toogasho ku dileen tirro maxaabiis ah oo dagaalka Gaalkacyo looga qabsaday Galmudug.

Ciidamada laga dilay Galmudug ayaa waxaa Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyay Salaad Xaashi Diirshe oo ka tirsan Saraakiisha maamulka Galmudug.

Salaad Xaashi, waxa uu sheegay in Puntland ay dileen Maxaabiis dhowr ah, waxa uuna tusaale usoo qaatay dilka Maxbuus ay ka qabsadeen furumaha dagaalka.

Maxbuuskaani ayuu sheegay in la dilay maalinimadii shalay, waxa uuna carab dhabay in dilkaasi uu ahaa mid daba socday dilalka Maxaabiis dhowr ah oo ay dishay Puntland.

Maxaabiista ay dishay Puntland ayuu sheegay in qaarkood lagu qabtay dhaawac ahaan, balse markii ay ka heleen macluumaadka ay toogasho ku dileen.

Sidoo kale, Sargaalkaani waxa uu tilmaamay in amarka lagu dilay Maxaabiistaasi uu lahaa Taliyaha Difaaca Puntland kaasi oo kasoo horjeeda in Askarta nolosha lagu qabto lasii hayo.

Puntland weli kama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Sargaalka lagu magacaabo Salaad Xaashi.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News