28.2 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Gaalkacyo oo gashay jawi ka duwan kii shalay iyo dagaal xoogan oo socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in laga maqlaya dhawaqa rasaas xoogan oo qalqal gelisay xabad joojintii shalay labada madaxweyne ku dhawaaqeen.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada dagaalka ay sii xoogeysatay, waxaana xabada laga maqlayaa galbeedka magaalada Gaalkacyo oo dhawaanahaan lagu dagaalamayay.

Hub cul culus ayaa laga maqlayaa galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana isweydaarsanaya labada dhinac ee dhawaanahaan ku dagaalamayay magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland saraakiil ka tirsan ayaa sheegaya in weerarka saaka uu ahaa mid jihooyin badan looga soo qaaday fariisamaha ay ku lahaayeen galbeedka magaalada Gaalkacyo.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah

- Advertisement -

Read more

Local News