Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka markale dib kaga bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dagaalka wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamada galmudug iyo Puntland madaafiic isku weydaarsadeen xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Xaafada Garsoor ayaa la sheegay iney tiro madaafiic ah ku dhacday, waxaana kadib dagaal uu ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Galmudug oo marka hore isku horfadhiyay xaafadaha magaalada.
Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka bilowday iyadoo labada dhinac ay helanaa gurmadyo kala duwan.
Dadka gobolka Mudug oo shalay ku farxay hishiiskii xabad joojinta ee telafoonka lagu dhaliyay, iyadoo hadda ay muuqato in xabad joojintii la jibiyay.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha alah
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

