30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog: Shariif Xasan oo Jawaari hor istaagaya iyo sharuudo loo gudbiyay D&M

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee gobolka Baay waxaa shalay tagay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Safarka Jawaari ee magaalada Baydhabo ayaa ahaa sidii uu beeshiisa uga heli lahaa kursiga baarlamaanka, Laakiin Shariif Xasan oo dhawaan shaaciyay inuu musharax madaxweyne yahay ayaa arintaasi diidan.

Sababta ayaa lagu sheegay in Shariif Xasan uu doonayo inuu xil sare ka helaa dowlada Soomaaliya, wuxuuna ka baqayaa in Jawaari markale uu isku soo sharaxaa xilka gudoonka baarlamaanka.

Maxamed Jawaari, ayaa Baydhabo ka bilaabay ololaha uu xilkaasi ku helayo, waxaana beelaha Digil iyo Mirifle doonayaan iney ku shaqeeyaan fikrada Shariif Xasan, maadaama uu yahay siyaasi ay taageersan yihiin.

Shariif Xasan ayaa qorshaha uu damacsan yahay waxay tahay in markaan Digil iyo Mirifle aysan isku soo sharaxin xilka gudoonka baarlamaanka si markaan beesha u hesho madaxweyne ama ra’iisul wasaaraha dalka.

Tan iyo sanadki 1960 waxaa kursiga baarlamaanka heli jiray beelaha Digil iyo Mirifle, wuxuuna Shariif Xasan uu doonayaa inuu qorshahaasi badalo.

Waxaa meesha ka muuqata in dagaal cusub uu ka dhex bilowday gudoomiyaha baarlamaanka iyo musharax madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wararka aan ka heleyno Baydhabo ayaa sheegaya in sharuudo adag la hordhigay beelaha Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo Jawaari ka hor istaagaya inuu noqdaa xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baay
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News