Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Midowga Europe u qaabilsan arrimaha Somalia Ambassador Veronique Lorenzo, ayaa daboolka ka qaaday in maalmaha soo socda ay mushaar siin doonaan Ciidamada Booliska Somalia.
Ambassador Veronique waxa ay tilmaantay in mushaarkaasi loo qoondeeyay ku dhawaad 6,800 Askar oo isugu jirta rag iyo haween ka tirsan Boliska.
”Mas’uuliyada koowaad waxa ay tahay tan saaran Dowlada Somalia, EU-da waxa ay iyana Somalia ka caawineysaa wixii lamahuraanka ah”
”EU-da oo saaxiib weyn oo dhinaca Horumarinta ah inay bixin doonaan Mushaaraadka Askarta Booliska Somalia ayaan qireynaa, si loo hubiyo inay Saraakiisha Boliska kordhiyaan Ammaanka, Sharciga iyo Kala-dambaynta”
Ambassador Veronique Lorenzo, waxa ay intaa ku dartay in mushaaraadka Askartaasi ay geyn doonaan Bangiga Dhexe ee Somalia, waxa ayna intaa raacisay in mushaarka laga bixin doono isla Bangiga.
Ambassador Veronique Lorenzo waxa ay tiri ”Waa arrin naga go’an inaan Somalia ka caawino dhinacyada Horumarka, Amniga iyo taakuleynta ciidamada”
Haddalka iyo ballanqaadka Ambassador Veronique Lorenzo ayaa imaaneysa xili ciidamada Dowlada aan mushaar lasiin ku dhawaad 6 bil oo xiriir ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

