25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Prof. Gaandi oo is jiid-jiid dheer kadib guuleystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa mar kale dib u guuleystay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo horay uga mid ahaa Xildhibaanada BFS ee uu wakhtigooda dhamaaday.

Gaandi oo markii hore shaki laga galiyay kamid noqoashada Baarlamaanka cusub ayaa waxaa markii danbe u suuragashay in musharaxii loolanka kula jiray uu tanaasul u muujiyay.

Prof. Gaandi oo horay ugu fashilmay inuu ku soo baxo Kursiga Aqalka Sare oo bishii la soo dhaafay looga guuleystay, kaasoo ay codeynayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbland.

Gaandi oo quustaagnaa ayaa waxa uu maanta dib u helay kalsoonida beeshiisa oo codka siisay.

Musharixii la tartamayay ayaa tanaasulay taas oo sababtay in ergadu cod gacan taag ah uqaado.

Gaandi ayaa in muddo ah kusoo dhex jiray Dowladihii dalka soo maray waxa uuna iminka u hanqal taagayaa in mar kale uu kasoo dhex dhalaalo Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News