26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Maxaa kala soctaa tirada ciidamada AMISOM ee lagu soo biirin doono kuwa hadda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Fransisco Madeira ayaa Taliska Ciidamada AMISOM ugu baaqay inay lasoo degdegaan Ciidamada dheeriga ah oo ay ka dalbadeen.

Fransisco, ayaa sheegay in Ciidamada ay dalbadeen ay badbaado u yihiin Somalia oo dhawaan ay ka dhici doonto doorasho taariikhi ah.

Mr Fransisco ayaa sheegay in wakhtiga la joogo ay u baahan yihiin Ciidamo dhan 9,000 oo dheeraad ah, kuwaasi oo uu sheegay inay ka qebqaadan doonaan amni kusoo dabaalida Somalia.

Fransisco oo jeedinaaya codsigaasi ayaa waxa uu Dowladaha ay ciidamada ka joogan Somalia ugu baaqay inaysan Ciidanka AMISOM u adeegsanin Gorgortan si loogu meel-mariyo Codsiyadooda.

Fransisco waxa uu tilmaamay in tirada Ciiddanka Somalia haatan ku dhowdahay 10,900 Askari, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in tirada la gaarsiiyo ugu yaraan 20,000 oo Askari.

Haddalka Mr Fransisco ayaa imaanaya iyadoo uu khilaaf Siyaasadeed ka dhextaagan yahay Dowladaha Africa ee ciidamada ka joogan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News