28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Kala bar Shacabka Kenya oo ka dhawaajiyay hadal Soomaalida Kenya u wanaagsaneen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaali badan ayaa ku nool dalka Kenya, waxaana badankood qaxooti ku yihiin dalkaasi Kenya gaar ahaan xeryaha Dhadhaab.

Shacabka Kenya ayaa cod bixin laga ururiyay kala bar dadka Kenyan-ka ah waxay ku baaqeen in dalkooda laga saaro Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaasi Kenya.

Cod ururinta ay sameysay hayada IPSOS ayaa lagu ogaaday in 69 % dadka Kenyanka doonayaan in dalkooda laga saaro qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Warbixinta ayaa hayada IPSOS waxay si deysay maalin kadib markii dowlada Kenya ay dib u dhigtay qorshihii lagu xeri lahaa xeryaha Dhadhaab.

Dhinaca kale,  Sahan-ururinta ay Hay’adda IPSOS  qaaday waxaa kaloo lagu ogaaday inay dadka Kenyanka walaac xooggan ka qabaan Xaalladda Ammaanka ee dalkooda, waxayna badankooda dareensan yihiin in Joogitaanka Ciiddanka Kenya ee gudaha Somalia waxyeello ku keentay Xaalladda Ammaanka ee dalkooda.

38% dadka Kenyanka waxay ku baaqeen in Ciiddanka Kenya laga soo saaro Somalia si ay ilaalo uga qabtaan Xuduudka, halka 29% doonayaan inay Ciiddanka Kenya sii joogaan gudaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News