Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo oo kaliya ka dhiman tahay waqtigii lagu balamay in doorashada madaxweynaha ka dhacdo magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya shakiyo badan oo laga muujinayo in doorasho cadaalad ah ka dhacdo Soomaaliya.
Daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in doorashada sanadkaan midkood noqon doono labo arin oo aad loo hadal hayo.
Cabdiraxmaan Xaashi waa madaxa machadka cili barista ee Heritage, wuxuu sheegay in shakiyo badan ka jiraan doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in doorashada sanadkaan ay noqon karto in lacag la isku faliso ama in la isku sallaxo, oo uu kala jeedo in boosaska cod bixinta la isku baneeyo.
“Doorashada baarlamaanka Soomaaliya labo mid midkood ayay noqonaysaa oo ah in dad ay isu sallaxayaan ama lacag la isku fallisayo”.ayuu yiri C/raxmaan Xaashi.
Waxyaabaha ugu badan ee la hadal hayo waxaa kamid ah Xasan Sheikh oo doonaya inuu kusoo laabto xilka iyo musharixiin kale oo dowlado shisheeyeeye ay kala wataan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

