28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Maxaa kusoo kordhay Is rasaaseyntii cusleyd ee caawa ka dhacday doorashada Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka dhacay is rasaaseyn xoogan oo u dhexeysay ciidamo kawada tirsan hal beel kuwaasi oo la kala safnaa laba musharax oo u tartameysay kursiga Aqalka Hoose.

Rasaasta oo kasoo dhaceysay laba jiho oo ay ku kala sugnaayen Ciidamada ayaa waxa ay xoogeeda ka dhacday afafka hore ee xarunta ay ka dhaceysay doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar.

Iska hor imaadka ayaa dhacay xili xarunta Farjano ay ka socotay doorashada Aqalka hoose ay ku tartamayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha iyo labo Musharax oo kale kuwaa oo kasoo jeeda Beesha Gugundhabe gaar ahaan Jufada Jidle.

Doorashada Wareegeeda hore ayaa Wasiirka Dhalinyarada looga cod badiyay, isagoo uu helay 21 cod, halka Musharaxa kale uu helay 24 cod, Musharaxa saddexaad ayaa wareega koowaad ku haray, isagoo helay 7 cod.

Intaas kaddib ayaa loo baahday wareeg labaad, si ay u kala baxaan labada Musharax ee ugu codka badnaa, waxaana kadib goobta ka dhacday buuq iyo gacan ka hadal, waxaana mar qura Hoolka ka baxay Wasiirka Dhalinyarada.

Is rasaaseynta ayaa u dhexeysay Ilaalada Wasiirka Dhalinyarada iyo Ilaalada Musharaxa kale ee la tartamayay.

Xaalada xaruta ay doorashada ka socotay ayaa mar qura laga dareemay qal qal aad u xoogan kadib markii banaanka xarunaasi uu dagaal ku dhax maray ilaalo uu watay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux.

Is rasaaseynta ayaa waxaa soo dhexgalay Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Xarunta ay doorashada ka dhaceysay, waxaana iminka degan xaalada Xarunta.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay Dowlada iyo Maamulka Hirshabelle oo ku aadag Is rasaaseynta.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News