Jowhar (Caasimada Online)-Is rasaaseyn xoogan ayaa waxa ay hadda ka soctaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.
Is rasaaseynta xoogeeda ayaa waxa ay ka soctaa afaafka hore ee xarunta ay doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhacaysay, waxaana la maqlayaa rasaas aad u xoogan.
Rasaasta ayaa u dhexeysa Ciidamo ka tirsan maamulka iyo Kooxo kale oo weerarka soo qaaday, waxaana la maqlayaa rasaas jihooyin kala duwan leh.
Si dhab ah looma oga waxa ay rasaasta tahay balse waxaa lasoo sheegayaa in rasaasta ay tahay laba jiho, waxa ayna kusii faafeysaa xaafadaha qaar.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

