30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Donald Trump oo magacaabay Seddex xil oo aad u muhiimsan (Magacyada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay 3 Xil oo aad u weyn kuwaasi oo kamid noqon doona maamulkiisa cusub.

Madaxweyne Donald ayaa sheegay in shaqsiyaadka uu xilalkaasi u magacaabay inay ka kaabayaan howlaha maamulkiisa ee muhiimka ah.

Madaxweyne Trump ayaa Jeff Sessions oo ah Senator-ka Jamhuuriga ee gobolka Alabama, u magacaabay inuu noqodo Xeer Ilaaliyaga guud ee Qaranka Mareyanka.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale magacaabay Mike Pompeo oo noqon doona Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Waxa uu sidoo kale magacaabay General Mike Flynn oo noqon doona La-taliyaha amniga qaranka.

Wareegtada magacaabida Seddexdaasi mas’uul ayaa la sheegayaa inaanu wali kasoo bixin Xafiiska Madaxweynaha, balse ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa xogtaasi la wadaagay Saxaafada.

Magacaabida Trump waxa ay imaaneysaa iyadoo ay jiraan culeysyo kala duwan oo Madaxweynaha Cusub heysta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News